Data Science and AI
Sidee Si Fudud Loo Sameeyaa WordPress Website
waxaa Racdaa Talaaboyinka hoos ku xusan
Talaabada 1: Tag Hostinger adigoo isticmaalaya link-ga aan ku siinayo
Guji link-ga hoose (affiliate link) si aad u hesho 78% qiimo dhimis. Tani waa fursad weyn oo aad ku heli karto hosting tayo sare leh qiimo aad u hooseeya.
https://hostinger.com?REFERRALCODE=Hikmacreative
Talaabada 2: Dooro qorshe (plan)
Marka aad gasho Hostinger, dooro qorshe ugu yaraan 12 bilood ama ka badan. Qorshaha sanadlaha ah ayaa kuu keenaya kaydka ugu badan iyo adeeg joogto ah.
Talaabada 3: Iibso oo soo dejiso WordPress
Kadib markaad bixinta dhamayso, ka soo dejiso WordPress si toos ah hosting-kaaga. Hostinger wuxuu leeyahay “One Click Install” oo fudud — hal gujin ayaad ku rakibi kartaa.
Talaabada 4: Ku rakib Elementor iyo Astra Theme
Marka aad gasho dashboard-ka WordPress, tag Plugins oo ku rakib Elementor (si aad ugu dhisto bogagga si fudud). Kadib tag Appearance > Themes oo ku rakib Astra Theme.
Talaabada 5: Dooro Starter Template ama ka bilaaw eber
Haddii aad rabto inaad degdeg u bilowdo, dooro Starter Template diyaar ah. Haddii aad rabto naqshad gaar ah, ka bilaaw adiga oo isticmaalaya Elementor.
Talo Dheeraad ah:
Ku dar bogagga muhiimka ah sida Ku Saabsan, Adeegyada, iyo Nala Soo Xiriir. Ku xir Google Analytics si aad ula socoto booqdayaasha, kuna dar plugins ammaan ah si website-kaagu u ahaado mid badbaado leh.
Hoos ama geskaa midigta ah ka daawo muuqaalka si aad u aragto talaabooyinkan oo muuqaal ah, haddii aad rabto faahfaahin iyo tusaale toos ah.
